WADDANI Oo Baarlamaanka Ugu Baaqay Inaanu Ansixin Xaaladda Deg-degga Ah Ee Lagu Soo Rogay Sanaag

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ugu baaqay in aanay ansixinta Xaaladda deg-degga ah ee Madaxweynuhu Shalay ku soo rogay Gobolka Sanaag.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Barkhad Jaamac Xirsi oo Maanta Saxaafadda la hadlay ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Go’aankii Shalay ka soo baxay Xukuumadda Somaliland ee ahaa inay Xaalad deg-degga ah ku soo rogtay Gobolka Sanaag, waa arrin xumada iyo ayaan-darrooyinka haysta Xukuumadda..”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay “Gobolka Sanaag ma geyo in Talo Xumada haysata Xukuumadda Kulmiye ay keento in Afar Qof dambi ay galeen Gobolka dhan Xaalad Milletari loogu soo rogo. Arrintani waxay Xaalad waxay Xaalad hor leh saaraysaa Caafimaadka Bulshada deegaanka deggan, waxay caqabad ku noqonaysaa gargaarka Hay’adaha Caalamiga ah. Waxaanu cod dheer ugu baaqaynaa Goleyaasha sharci-dejinta ee Guurtida iyo Wakiillada in aanay aqbalin xukunka Milletari ee Gobolkaa lagu soo rogay, ka Xisbi ahaan waanu ka digaynaa..”ayuu yidhi

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka