Hooyooyin Ubadkoodii Lagu Haysto Liibiya Oo Dibed-Bax Ka Dhigay Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Haween faro badan oo isugu jira Hooyooyin Waayeel ah iyo kuwo da’ dhexaad ah oo duruufo adagi ka muuqdaan ayaa Maanta dibed-bax ka dhigay Magaalada Hargeysa.

Hooyooyinkan oo Madaxa Maryo cas-cas ku soo xidhay, sitana Boodhadh ay ku qoran yihiin Hal ku-dhegyo ay kaga cabanayaan Dhibaatada Tahriibta, Codsiyana ay ugu dirayaan Hay’adaha Caalamiga ah ee Xukuumadda.

Haweenkan oo baaqyo u diray Xukuumadda iyo Hay’adaha daneeya hawlaha bani-aadamnimo si loogu soo celiyo Carruur ka Tahriibtay oo dhibaatooyin loogu geysanayo Dalka Liibiya.

Hooyooyinka qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay sheegeen in Ubadkoodii ay markii saddexaad, imikana ay gacmo kale sii geliyaan.

“Intayadan isa soo urursatay waxaanu nahay danyar, Magafaha laba jeer oo hore ayaanu lacag siinay, imikana sidii Carruurtii loo lahaa Dooni baa la idin saarayaa ayaa kala iibsaday, inta Silsiladu la isugu xidhay ayaa God lagu shubay, Beerkaa loo dhigay Sagbadda, waalla garaacayaa, Laydh baa lagu qabanayaa, Hooyo kastaa markay ilmaheeda Cabaadkiisa maqasho Koomo ayay galaysaa..” ayay tidhi, Hooyo ka mid ah Hooyooyinka Dibed-baxa sameeyay, waxayna intaa ku dartay “Anigu laba habeen iyo Maalin baan Koomo ku jiray, dhakhtarkaa la i dhigay oo Faleebooyin baa la igu xidhay..”

Hooyo kale oo ka mid ah Dumarka Dibed-baxa Cabashada ah sameeyay ayaa tidhi “Marka koowaad Ilaahay baanu u cabanaynaa, marka labaad Ummadda Muslimiinta ah ee Daafahad dunidda ku kala nool, si ay wax noola qabtaan..”

Ugu dambayn, dhawaaqan dhiillada leh ee ka soo yeedhay Hooyooyinkan, ayaa ku soo beegmaya Toddobaad uun ka dib, markii Hay’adda qoxootiga iyo barakacayaasha Somaliland Dalka dib ugu soo celisay illaa afartan dhallinyaro ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka