Aasaasihii Shabakada WikiLeaks Oo Hal Sano Oo Xabsi Ah Lagu Xukumay

London, (HCTV) – Xaakim Ingiriis ah ayaa aasaasihii shabakada siraha faafisa ee WikiLeaks Julian Assange ku xukumay 50 todobaad oo xabsi ah kadib markii uu ka fakaday damiin mudo hada laga joogo todoba sanadood oo uu ku sugnaa Safaarada dalka Ecuador.

Garsooraha Deborah Taylor ayaa sheegtay in ay adag tahay in la qiyaaso qayb ka mid ah ciqaabta dembiga ah sida ay u bixisay in 47 sano jirkan xogaha qarsoon jabsada in lagu xukumo ugu badnaan hal sano oo xabsi ah.

Waxaanay tilmaantay in Assange todoba sanadood oo uu joogay safaarada Ecuador, laguna tixgaliyey magangalyo doonimo ujeedadeedu tahay inuu ka baaqsado cadaalada.

Ninkan timaha Cad ee Assange ayaa taagnaa isagoo gacmaha ka xidhan markii loo akhriyayay xukunkiisa, waxaana taageerayaashiisu ay la taagnaayeen afaafka Maxkamada Southwark Crown Court, iyagoo ku qaylinaya waa in la xukumaa siidaynta Assange.

Muwaadinkan u dhashay dalka Australian ee Assange ayaa galay isagoo magangalyo doon ah Safaarada dal ku yaala Koonfurta America uu ku leeyahay London bishii June 2012-kii si uu uga baxsado kiisas la doonayey in su’aalo laga waydiiyo oo ahaa eedo kufsi.

Waxaana Qareenka u doodayey Assange oo la yidhaa Mark Summers uu ka sheegay qolkii maxkamada ee dacwadu ka dhacaysay oo ay ku sugnaayeen suxufiyiinta iyo taageerayaasha WikiLeaks in Assange uu magangalyo ka dalbaday Safaarada Ecuador maadaama oo uu cabsi ka qabay in loo gacan galiyo Maraykanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA