Suxufiyiin Iskaga Kala Yimid Aduunka Oo Shir Uga Furmay Addis Ababa

Addis Ababa, (HCTV) – Suxufiyiin iskaga kala yimid Aduunka ayaa isugu yimid caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, halkaas oo uu uga bilaabmay shir saddex maalmood socon doona iyo dabaal dega maalinta madaxbanaanida Saxaafada Aduunka ee May 3 oo lagu qaban doono.

Wariyeyaasha maanta shirku uga furmay dalka Ethiopia ayaa doodo yeeshay intii shirkaasi socday, waxaana diirada lagu saaray doorka saxaafadu ku leedahay bulshada iyo sidii looga fogaan lahaa hadalada nacaybka dhalinaya ee lagu baahiyo baraha bulshada.

Intii shirkaasi socday ayaa la tilmaamay in heerka xirsafada saxaafada oo la dabaqaa ay yarayn karto hadalada nacaybka ah, sida uu sheegay Alistair King Smith oo arimaha dibada ee UK ugu qaabilsan u ololaynta saxaafad madaxbanaan.

David Kaye, oo isna ah Wariyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda iyo madaxbanaanida hadalka ayaa sheegay in dawlada iyo ururada bulshadu ay eegaan sidii meesha looga saari lahaa hadalada nacaybka abuuraya.

Maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka ayaa waxa ku dhawaaqay Golaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhacaysa bishii December 1993-kii, waxaana daba socday taloooyin shirar ay UNESCO qabatay loogu dabaal degay ilaa xiligaasi in May 3 ay noqoto maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka loo dabaal dego.

Waxaana Ethiopia laga dabaal degayaa 26th guurada maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen UNESCO, Midawga Afrika iyo dawladda Ethiopia, waxaana la filayaa in shirkaasi lagaga hadlo wararka khaldan iyo badbaadada suxufiyiinta.

Waxaana la xusay in sanadkii u dambeeyey la dilay 94 suxufi, halka sanadkii hore ay ahayd tirada suxufiyiinta la dilay 71 suxufi.

HORN CABLE TV