Thailand: Boqor Guursaday Haweenay Ka Mid Ahayd Ilaaladiisa

Thailand (HCTV) – Boqorka Dalka Thailand Maha Vajiralongkorn, ayaa guursaday Haweenay ku-xigeen u ahayd Taliyaha Ilaaladiisa gaarka ah, taasi oo lagu Magacaabo Suthida Vajiralongkorn.

Boqorka Thailand oo xilligan da’diisu tahay 66 jir isla-markaana xilka boqortooyada la wareegay sanadkii 2016-kii, ka dib markii uu Aabbihii Geeriyooday, ayaa guursaday Suthida oo ku-xigeen u ahayd Taliyaha ilaaladiisa.

Suthidab ayaa u dalacday Boqor ka mid ah Qoyska Boqortooyada Thailand, sida lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Boqortooyada “Boqor Vajiralongkorn wuxuu go’aansaday dallacsiiyo General Suthida Vajiralongkorn Na Ayudhya, oo ay noqoto Xaaskiisa, waxayna ka mid noqon doontaa Qoyska boqortooyada..”ayaa lagu yidhi, Qoraalka Boqortooyadu ka soo saartay Guurka.

Muuqaal laga duubay Arooskooda ayaa Arbacdii hore lagu baahiyey Telefiishanka Thailand, iyadoo ay arooska ka qayb-qaadanayaan Xubno ka mid ah Qoyska boqortooyada iyo La Taliyayaal.

Bhumibol Adulyadej oo ahaa Aabbaha Boqorka Thailand ee xilligan, ayaa Dalkaasi xukumayey 70 sannadood, waxaanu Geeriyooday sannadkii 2016-kii, xilligaasi oo uu xilka la wareegay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka