Kooxaha African Relief iyo Carwo Saddaam Oo U Soo Baxay Final-ka HCTV CUP

Hargeysa (HCTV)  – Tartanka Kubadda Cagta ee Ciyaar-yahannada Heerka koowaad ee Garoonka Guryo-samo ee Magaalada Hargeysa, ayaa ku soo gebogaboobaya Jimcaha Berri halkaasi.

Tartankan oo loogu Magac-daray HCTV CUP isla-markaana muddo 21 Cisho ah ka socday garoonka Guryo-samo ayaa ka mid ahaa Tartammada Kubadda Cagta ah ee Telefiishanku ka wado Garoommada Caasimadda Hargeysa.

Tartankan oo la soo xidhayo Berri Jimcaha ayaa ka qayb-galay oo ku tartamay 8 Kooxood oo ka dhisan Magaalada Hargeysa, waxaana gebogabadii isugu soo hadhay kooxaha kala ah, African Relief iyo Carwo Saddaam.

Kooxaha African Relief iyo Carwo Saddaam ee isugu soo baxay Ciyaarta kama dambaysta ah, ayaa  foodda is-dari doono gelinka dambe ee Jimcaha Berri, waxaana kooxda badisaa hantiyi doontaa Koobkii HCTV CUP ee wareeggii ka socday Guryo-samo ee Magaalada Hargeysa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka