Dagaal Yahankii Al-shabaab Ee Dilay Askariga American-ka Ah Oo La Khaarajiyey

Washington, (HCTV) – Milatariga dalka Maraykanka ayaa dilay dagaal yahan ka tirsan ururka Al-shabaab oo qayb ka ahaa weerar ciidamada Maraykanku ay qaadeen oo Askari American ah lagaga dilay iyo afar kale oo lagaga dhaawacay sanadkii 2018-kii.

Weerar duqayn cirka ah oo Maraykanku uu qaaday 19-kii April ayaa lagu dilay laba dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan. Kaas oo mid ka mid ahi uu yahay Cabdullahi Jibiyow oo masuul ka ahaa weeraro dhawra oo lagu qaaday Jubada Hoose ee koonfurta Somalia, sida uu sheegay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika.

Cabdullahi Jibiyow ayaa sidoo kale masuul ka ahaa weerar bishii June 8, 2018, lagu dilay Askariga Staff Sgt. Alexander Conrad oo ka mid ahaa ciidamo American ah oo weerar ku qaaday fadhiisin Al-shabaab ay ku lahayd Juboland, sida uu Chris Karns, oo ah Afhayeen ka tirsan Ciidamada Cirka ee AFRICOM’s uu u sheegay Warbaahinta Military Times oo HCTV ka soo xigtay.

Staff Sgt. Alexander Conrad ayaa markii ugu horaysay ka tirsanaa Guutada 1st, Iyo Guutada 3rd ee ciidamada gaarka ah ee waqooyiga Carolina, Waxaanu ciidamada ka mid ahaa ilaa 2010-kii.

Askarigan Americanka ayaa ku dhintay toogasho aan toos ahayn xili uu ka qaybqaadanayey hawlgalka uu magaciisu ahaa Octave Shield oo ay ciidamada Maraykanku ka ay ku bartilmaameedsanayeen kooxda ka dagaalanta Somalia, sida ay sheegtay Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon-ku.

Waxaanu Askarigan Conrad uu ku dhintay xabad ka soo dhacday hubka yaryar markii ay iska caabinta ciidamada Maraykanka ay kala horyimaadeen 2:45 habeenimo Gobolka Jubaland oo Muqdisho 220 miles koonfur kaga beegan.

Xubno ka tirsan Milatariga dalka Maraykanka ayaa ku sugan Somalia kuwaas oo Ciidamada gaarka ah ee Somalia ee Danab ka taageera hawlgalada iyagoo sidoo kale siiya talooyin, tababaro iyo qalab.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-ka