Dawlado Ku Hubaysan Nuklear Oo Dagaalamay

New Delhi (HCTV) – Ka Dib Maalmo Cay iyo Hanjabaado Aar-goosi ah ay isku hayeen Dawladaha Pakistan iyo Hindiya, ayaa waxa la iswaydaarsaday Rasaas Khamiistii Maanta.

Is-rasaasayn xoog leh ayaa dhex martay Ciidammada Hindiya iyo Pakistan ee labada dhinac ka taagan Xuduudka u dhexeeya ee Dhulka Gobolka Kaashmiir, gaar ahaan Deegaanka Jaamu.

“Rasaasta waxa Saacaddu markay ahayd 10:00 bilaabay Ciidammada Pakistan.” Sidaa waxa sheegay Ciidammada Hindiya oo guul ka sheegtay Dagaalkaasi.

Is-rasaasaynta ayaa ka bilaabantay deegaan lagu Magacaabo Qasba Kirni, waxayna ku fidday deegaanno kale, sida laga soo xigtay Masuuliyiin ka mid ah Dawladda Hindiya, laakiin Warku ma sheegin waxa sababay dagaalkan.

515 jeer oo heshiis Xabad joojin ah ayaa hore loo kala dhex dhigay labada Dal ee Nuklear-ka ku hubaysan ee Hindiya iyo Pakistan, laakiin intaba lama tixgelin oo way jabeen, waxaana xabad joojimahaa ugu dambeeyay laba bishii hore gudaheedii ay wada gaadheen.

Xaaladda kacsan ee ka taagan Kaashmiir ayaa waxa sii cusleeyay, weerar Urur Fadhigiisu Gudaha Pakistan oo lagu Magacaabi Jaish-e-Mohammed (JeM) uu 14-kii February ku dilay 40 Ciidammada Hindiya ah.

Arbacadii ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxay Liiska Argagixisada ku dareen Hoggaamiyaha Kooxda Jaish-e-Mohammed (JeM), kaasi oo lagu Magacaabo Masood Azhar

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka