Dagaalka Libya Oo Sababay Cunto La’aan Soo Food Saartay Tahriibayaasha

Tripoli, (HCTV) – Caasimada dalka Libya waxa ka socda dagaal bilaabmay bishii u dambaysay oo ay ku dhinteen ugu yaraan 376 qof halka ay ku barakaceen kumanaan qof oo kale.

Dagaalkan ka socda dalka Libya ayaa sababay cuno la’aan soo foodsaartay Ttahriibayaasha ku xaraysan goobaha mukhalasiinta Libya ay u samaysteen inay dadka ku xareeyaan.

Waxa kale oo ay sheegayaan wararka laga helayo caasimada dalka Libya in qiimaha raashinka oo gabaabsi ahi inta taalaa ay sii libin laabantay tan iyo intii ay qarxeen dagaalka caasimada Libya ka socda Afartii April.

Goobahan dadka Tahriibayaasha ahi ay ku xaraysan yihiin ee dalka Libya ayaa waxa ka mid ah Xarunta Abu Salim oo ku taala koonfurta Tripoli, kuwaas oo warbaahinta u sheegay in tiradoodu ay ka badan tahay 400 qof isla markaana ay gaajaysan oo ay ka fikirayaan siday natoodu u badbaadi lahayd.

“Waanu gaajoonaynaa, balse wakhti xaadirkan ma danaynayno cunto, waxa kaliya ee aanu ka fikiaynaa waxa weeyi sidii naftayadu u badbaadi lahayd,” Sidaasi waxa warbaahinta u sheegay Nin Eritrean ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA