Milatariga Sudan Oo Diiday Gole Aqlabiyada Shacabku Leeyihiin In Dalkaa Uu Xukumo

Khartoum, (HCTV) – Sarkaal sare oo ka tirsan Golaha Milatariga dalka Sudan ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin in rayidku ay aqlabiyada golaha sare ee dalka maamulayo ay noqdaan inta lagu gudo jiro xiliga kumeel-gaadhka ah.

Lt Gen. Salah Abdelkhalek ayaa sheegay in ay aqbali karaan oo kaliya tiro isku mid ah loo kala jabiyo golaha sare ee xukumaya dalka Sudan.

Dibadbaxyada ayaa ka sii socda dalka Sudan, waxaana dadku ay dalbanayaan in ciidamadu ay talada dalka ku wareejiyaan shacabka kadib markii Madaxweyne Cumar Xasan al-Bashir talada dalkaasi laga tuuray 11 April 2019-ka oo uu 30 sanadood dalka Sudan soo xukumayey.

Dalka Sudan ayaa waxa xukuma golaha milatariga kumeel-gaadhka ah oo balan qaaday inay talada dalka ay rayidka ku wareejin doonaan mudo laba sanadood ah balse arintaasi waxa diidan dibadbaxayaasha oo sii wada banaanbaxyo.

Horn Cable Tv,

Waaxda Online-ka