Gabadh Loo Haystay Dilka Nin Ay Walaalo Yihiin Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Oo La Sii Daayey

Kuala Lumpur, (HCTV) – Gabadh u dhalatay dalka Vietnam oo la yidhaa Doan Thi Huong oo loo haystay dilka Kim Jong Nam oo ay walaalo yihiin madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa la sii dayey maanta oo Jimce ah kadib markii ay mudo ka badan laba sanadood ay ku jirtay xabsi ku yaala dalka Malaysia.

Doan Thi Huong oo da’deedu tahay 30, iyo gabadh kale oo Indonesian ayaa loo haystay sumaynta Kim Jong Nam oo ay wajiga ka mariyeen sun dareere ah oo loo yaqaa VX, oo ah sun khatar ah oo la mamnuucay in hub ahaan loo isticmaalo, bishii February 2017-kii oo uu ku sugnaa ninkaasi garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur.

Gabadhan ayaa xukunka laga khafiifiyey kadib markii ay ambiil ka qaadatay shirqoolka Kim jong Nam lagu dilay 2017-kii, waxaanay ahayd gabadha dilkaasi loo haystay. Hase yeeshee dacwad oogihii Malaysia ayaa ka tuuray xukunkii dalka. Waxaana Qareenkii u doodayey gabadhani uu xaqiijiyey in maanta oo jimce ah la siidaayey kadibna ay ku noqon doonto dalkeedii Vietnam.

Sidoo kale gabadha reer Indonesia ee Siti Aisyah oo iyaduna ahayd gabadha loo haystay dilka ninka ay walaalaha yihiin Madaxweynaha Waqooyiga Kuria ayaa iyadana hore loo sii daayey waxaanay ku noqotay dalkeedii kadib markii laga tuuray xukunadii dilka.

Horn Cable Tv,

Waaxda online-ka