“Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada, Waalla Jidh-dilay..” WADDANI

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si adag uga hadlay Xadhig Ciidammada Boolisku kula kaceen Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Xisbigaasi.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu sheegay in Boolisku jidh-dileen Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Maxamed Sidiiq dhamme, waxaanu baaq ugu diray Hay’adaha Caalamiga ah iyo Komiishanka Xuquuqal iisaanka Qaranka Somaliland.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Waxa si Sharci-darro ah oo argagax leh loo xidhay Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada heer Qaran ee Xisbiga WADDANI, ahna xubin ka tirsan guddiga fulinta ee Xisbiga WADDANI, Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme, Taariikhdu markay ahayd 1-da bisha shanaad, 2019, Xadhiggiisu wuxuu ahaa mid baal-marsan Xeerarka iyo Shuruucda Qaranka u yaalla.

Maxamed waxa la xidhay iyadoon loo jarin Waaran Qabasho oo Maxkamad awood u lihi u soo saartay, sida oo kale markii Ciidanku qabanayeen waxa loo geystay Jidh-dil.

Sida uu dhigayo Xeer Lr 14/2001 Qodobkiisa 20-aad Farqaddiisa 1-aad, waxa meel lagaga dhacay isla-markaana ixtiraam-darro ku ah Xisbiyada Qaranka in Xasaanaddii Xisbinimo ee uu lahaa Masuulka Xabsiga ku jiray waxa laga qaaday Xorriyaat-kiisa aasaasiga ah ee Maxbuusnimo.

  1. Waxa loo diiday inay soo booqdaan Eheladiisa iyo Xisbigiisiiba.
  2. Waxa laga mabnuucday in cuntadii si toos ah loogu geeyo
  3. Waxa lagu xidhay Qol madow oo keli ku yahay oo aan lahayn laydh isla-markaana ay nadaafaddiisu aad u liidato.
  4. Sidoo kalena, muddadii uu hadda xidhnaa waa uu katiinadaysnaa.

Dhammaan Tacadiyadiisa waxay baal-marsan yihiin Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobkiisa 27-aad darqaddiisa 1-aad, sida oo kalena Ciidanka Boolisku waxa uu ku gefay isla qodobka 27-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed waxa aanu ugu baaqaynaa Komiishanka Qaranka ee xuquuqda Aadamaha Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan guddi baadhiseed ugu dirto Tacadiga lagula kacay Masuulkan Xisbiga ka tirsan isla-markaana soo hubsato bed-qabka masuulkan iyo Fayo-dhowrka Goobta uu ku xidhan yahay-ba.

Ugu dambayn, waxaanu ogaysiinaynaa Hay’adaha Caalamiga ah ee  u dooda xuquuqda aadamaha iyo kuwa ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland inay il-dhow kula socdaan Tacadiyada joogtada ah ee lagu hayo guud ahaan Muwaadiniinta Somaliland, gaar ahaan Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo uu Boolisku Somaliland hoggaankiisu caadaystay isla-markaana bartil-maameedsaday inuu goor kasta xadhig aan sharci9 ahayn kula kaco Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI iyo Muwaadiniinta kale ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xisbi ahaan waxa aanu qabnaa in Tallaabooyinkan boolisku qaadayaan ay u muuqato inuu xisiga Bar-tilmaameedsanayo isla-markaana uu lumiyey dhexdhexaadnimadii looga baahnaa..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka