Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Oo Raysal Wasaare Ku Xigeenka Somalia Ku Soo Dhaweeyey Shirka Tana

Bahr Dar, (HCTV) – Wasiirka Arimaha Dibada dalka Ethiopia, Gedu Andargachew ayaa ku soo dhaweeyey Raysal Wasaare ku xigeenka dalka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed shir heer sare ah oo lagaga hadlayey amaanka Afrika.

Shirkan ka furmay maanta magaalada Bahr-dar ee gobolka Ahmaarada ayaa socon doona 4 ilaa 5 May, waxaanay ujeedadiisu tahay in lagu faaqido isbadalka siyaasadeed iyo dhinaca horumarada nabada ee Geeska Afrika.

Munaasibadii Furitaanka Shirka heerka sare ah ayaa waxa ka qaybgalay Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle-Work Zewde, Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika, Moussa Faki Mohamat, iyo Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama, iyo xubno kale oo sarsare.

Horn Cable TV,

Waaxda Online-ka