Khasaaraha Duufaanta Fani Ee Ku Dhufatay India Iyo Bangladesh Oo Korodhay

Odisha, (HCTV) – Duufaantii ugu xooganayd ee ku dhufatay dalalka India iyo Bangladesh ayaa kharaase baaxad lihi uu ka dhashay, waxaanay tirada dhimashadu ay hada ku dhawdahay 30 qof.

Gobolka Odisha oo ka tirsan dalka India oo duufaanta Fani ay si xoog leh u saamaysay ayay 16 qof ku dhinteen, halka dalka ay jaarka yihiin ee Bangladesh-na ay masuuliyiinta dawladdu ay sheegeen in 12 qof ay ku dhinteen haka tiro kalena ay dhaawacyo ka soo gaadheen guryihii ku dumay.

Afar ka mid ah 12 ay duufaantu ku dishay dalka Bangladesh ayaa waxaa ay ay ku dhinteen degaanka kishorganj oo ku taala badhtamaha dalkaasi.

“waxay dhinteen markii ay dadka qaar ku dhageen xadhkaha laydhka qaada oo ay soo rideen dabaylo xoogan iyo roobab xoog leh tan iyo galabnimadii jimcaha,” sidaasi waxa sheegay Taliye ku xigeenka degmada Kishorganj oo la yidhaa Sarwar Murshed Chowdhury, oo u waramay warbaahinta caalamka.

Duufaantan xoogan ayaa ku dhufatay dhulka xeebaha ee bariga dalka India iyo Bangladesh, waaxa duufaantani dabaylaha ay wadato ay saacadiiba jarayaan 200km.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA