HCTV CUP: African Relief Oo Ku Guulaystay Koobkii Garoonka GURO-SAMO

Hargeysa (HCTV) – Waxa si wanaagsan u soo dhamaaday Tartankii Kubadda Cagta HCTV ee ka socday Garoonka Guryo-samo ee Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa.

Gunaanadka tartankan oo dhacay Jimcihii Shalay, ayaa waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha Axmed Muumin Seed, Ciyaaraha Boos Mire Maxamed, Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI, Yoonis Axmed Yoonis iyo Masuuliyiin kale.

Ciyaartan oo ay isugu yimaaddeen Kooxaha Carwo Saddaam iyo African Relief, ayaa qaybtii hore waxa lagu kala nastay 1:0, ayaa isku soo noqodkii dambe waxa 1 Gool oo kale la timid kooxda African Relief.

Inkasta oo ay dedaashay kooxda Carwo Saddaam, haddana ciyaartu waxay ku dhammaatay 2:0 ay guushu ku raacday kooxda African Relief.

Agaasimaha Telefiishanka HCTV, Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “HCTV ahaan markaanu la shaqayney innamada waanu u ballan-qaadnay in Kaabado waaweyn oo aanay Baabuurtu qaadi karin in lagu xidho dhinaca galbeedka, si aanay Baabuurtu u dhex marin..”

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay “Garoomadu way innagu yar yihiin, markaa Garoonkani wuxuu inoo noqonayaa Garoon kubadeed, markaa waa inaynu ilaashano, Annaguna HCTV ahaan waanu xidhi doonaa halkaa..” ayuu yidhi.

Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI, Yoonis Axmed Yoonis oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Mulkiilaha Telefiishanka HCTV, Farxaan Xaaji Cali oo bud-dhig u ah Barnaamijkan oo uu Telefiishankiisu Maal-geliyey isla-markaana Gobollada dalka oo dhan ka socda, Xisbi ahaan waanu ku baraaginaynaa, waxaanuna leenahay Dadku haku daydaan Farxaan iyo HCTV..”

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “labada Kooxood ee halkan ku ciyaarayey waan ku hambalyeynayaa sida Milgaha leh ee ay u ciyaareen. Waxaan u mahad-celinayaa Mulkiilaha Telefiishanka HCTV, Farxaan Xaaji Cali iyo Agaasime Maxamed-ilig oo soo abaabulay ciyaartan aadka u qiimaha badan..”

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Boos Mire Maxamed oo isaguna halkaasi ka soo jeediyey hadal kooban ayaa HCTV ku bogaadiyey qabashada Tartamada ciyaaraha uu ka mid yahay koobka la soo gunaanaday ee ay qaadday Kooxda  African Relief.

Gebogabadii, Wasiirrada Ciyaaraha iyo Beeruhu waxay abaal-marino guddoonsiiyeen guddigii Garoonka iyo Ciyaaryahannada Heerka koowaad oo la siiyey abaal-marinadii ay mutaysteen.

Gabogabadiina waxa Wasiirradu ay koobkii Guddoonsiiyeen Kooxda African Relief ee ku guulaysatay tartankii Garoonka Guryo-samo.

Ugu dambayn, Waxa xusid mudan inuu goob-joog ka ahaa isla-markaana heeso dhiiri-gelin ah ka qaaday Fannaanka Caanka ah ee Maxamed Siciid BK, kaasi oo ku dhiiri-geliyey dhallinyarada inay sameeyaan is dhex-gal dhanka ciyaaraha ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka