Maydka Madaxweynihii Hore Ee Ethiopia Oo Addis Ababa La Keenay

Addis Ababa, (HCTV) – Maydka Madaxweynihii hore ee dalka Ethiopia Dr Negasso Gidada ayaa la soo gaadhsiiyey caasimada dalka Ethiopia Ee Addis Ababa kadib markii laga soo qaaday dalka Jarmalka subaxnimadii hore ee maanta.

Raysal Wasaare Abiy Axmed, iyo masuuliyiin ka tirsan federalka iyo dawladd deegaamada dalka Ethiopia ayaa garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport kaga hor tagay Maydka Madaxweynihii hore ee dalka Ethiopia.

Kaas oo lagu aasi doono maalinta barito ah oo taariikhdu tahay May 5, 2019 Kiniisada St Peter saddexda galabnimo.

Dr Negasso ayaa geeriyooday maalintii sabtidii ee todobaadkii hore, waxaana golaha Baarlamaanka dalka Ethiopia uu ku dhawaaqay in maalinta Isniinta ee May 6, 2019 ay noqon doonto maalin baroor diiq qaran ah oo loo samaynayo Madaxweynaha hore.

Dr Nagasso Didada ayaa ku dhashay deegaanka Dembidolo oo ka tirsan Gobolka Oromia Region 75 sano ka hor, waxaanu dalka Ethiopia usoo shaqeeyey 7 sanadood ka hor intii aanu iscasilin markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo xisbigii talada dalkaasi hayey. Waxaanu markiii dambe ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee Andinet.

Dr. Negasso ayaa ahaa Aabe dhalay laba caruur ah.

HORN CABLE TV,

Waaxda Online-ka