Somaliland: Dablay Saraakiil Ciidan Ku Dilay Sanaag Oo La Qabtay (Akhri)

Somaliland: Dablay Saraakiil Ciidan Ku Dilay Sanaag Oo La Qabtay (Akhri)

Haweenay Canada Ka Codsatay In Laba Hablood Oo Somaliland Ku Xidhan Loo Soo Daayo
Wararkii U Dambeeyay: Dilka Taliyihii Sirdoonka Somaliland Ee Sool Iyo Dad Loo Soo Xidhay
AWAAMIIR CUSUB: Somaliland Oo Xaalad Deg-deg Ah Galaysa 19-ka March, ka Hor-tagga Coronavirus Awgeed
Dagaal U Dhexeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Hadaaftimo
Sucuudiga: Boqor Salmaan Oo Markii 3-Aad Beddelay Wasiirka Arrimaha Dibedda, 2018,2019

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in la soo qabtay Saddex ka mid ah Dablay hubaysan oo Toddobaadkii hore Gobolka Sanaag ku dilay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Ku-xigeenkii Taliyaha Booliska ee degmadaasi.

Ciidammada Amniga oo Maalmihii u dambeeyay oo dhan waday hawl-gallo ay ku baadi doonayeen Gacan ku dhiigleyaasha dilay labada Sarkaal, ayaa gacan ku dhigay Shalay saddex ka mid ah Gacan ku dhiigleyaasha iyo Toban Qof oo taakulanayey iyo weliba Shan Gaadhi oo ay falkaa u adeegsadeen.

Sidaana waxa sheegay Wasiirja Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Wasiir Kaahin oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta waxa Gacanta lagu hayaa Saddex ka mid ah Raggii fuliyey Hawl-galkaa (Labada Sarkaal lagu dilay) iyo 10 Nin oo loo haysto abaabulayaal, Gacan-siin, Taakulayn iyo Rag baadhis ay ku socoto oo Tuhumo ay soo galeen, tobankaa Nina waalla hayaa.”

Wasiirka Arrimaha guduhu waxa kale oo uu sheegay “Waxa kale oo la hayaa Gaadiidkii ay Nimankaasi ku hawl-galeen, Afar Gaadhi oo ka mid ah Gaadiidkii lagu hawl-galay iyo Hal gaadhi oo markii hawl-galku dhacay taakulaynta samaynayey, intaas Gacanta ayaa lagu hayaa oo baadhitaankii ayaa lagu wadaa, sharciga ayaana la hor-geynayaa..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: