Ethiopia: 600 Qof Oo Loo Xidhay Iska Hor-imaadyadii Malaayiintu Ku Barakaceen

Ethiopia (HCTV) – Ciidammada Itoobiya ayaa dejiyey Iska hor-imaadyo dhex maray Qoomiyaha Axmaarada iyo Benishangul Gumuz ee dalka Itoobiya, ka dib markii halkaa la geeyay.

Iska hor-imaadyada labada Qoomiyadood ayaa la rumaysan yahay inay ku naf waayeen Dad gaadhaya laba Boqol Qof, sida laga soo xigtay Warbaahinta Maxaliga ah.

Laakiin, Hawl-gallo ay sameeyeen Ciidammada Millateriga Dalka Itoobiya ayaa xal u noqday in xaaladdu degto, iyadoo dedaallada noocan ay ka qayb-qaadanayeen Masuuliyiinta Gobollada Amxaarrada iyo Benishangul Gumuz, kuwaasi oo isku dayey sida la sheegay in Iska hor-imaadyadan dhimashada sababayaa aanay sii fidin.

Toddobaadyadan, Amxaarrada oo ah ta ugu badan ee tiro ahaan ku xigta Oromada, ayaa weerarraysay Qoomiyadah ay ka mid tahay the Benishangul.

Dhan kale, Guddi uu Baarlamaanka Itoobiya Magacaabay ayaa caddeeyay in Dad gaadhaya lix boqol oo Qof loo xidhay inay ka qayb-qaadanayeen Iska hor-imaadyada Qoomiyadaha Dalka Itoobiya ku wada nool, iska hor-imaadyadaa oo sababay inay sanadkii u dambeeyay baro-kacaan Malaayiin Qof oo Itoobiyaan ahi.

Muferiat Kamil oo ah Wasiirka Nabadda ee Itoobiya oo soo bandhigtay Deraasad ay sameeyeen Guddiga Baarlamaanku u Magacaabay inay baadhaan arrintan, ayaa sheegtay in 400 Qof oo Lixda boqol ka mid ah oo looga shakisan inay door ka qaateen hurinta iska hor-imaadyada Qoomiyaha ay Maxkamaddu kiiskooda dhegaysanayso.

Wasiiraddu waxa kale oo ay xustay in Masuuliyiinta Gobollada Itoobiyaqaarkood ka cago-jiidayaan inay soo qabtaan Dadka looga shakisan yahay inay ka qayb-qaateen rabshadaha Qoomiyaha, iska hor-imaadyadaasi oo sababay in Dad badan Gudaha Dalkooda Itoobiya ku dhex barakacaan.

2.5 Milyan Qof ayaa ku baracay iska hor-imaadyada Qoomiyadaha Itoobiya, waxaana Guddiga Baarlamaaniga ahi booqday 27 Xeryo ku meel-gaadh ah, waxayna deraasad ka sameeyeen Gobollada Tigrey, Amhara, Oromia iyo Gobollada Koonfurta ku yaalla.

Dadka Colaaduhu baro-kiciyeen 1,477,720 ka mid ah waxay ka baro-kaceen Gobolka Oromada, halka 873,272 kalena ay ka baro-kaceen Gobollada Koonfurta, sida Telefiishanka HCTV uu ka soo xigtay Warbaahinta Itoobiya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka