Badi Dalalka Carabta Oo Filaya In Ramadaan Kow Noqoto Maalinta Isniinta

Riyadh, (HCTV) – Badi dalalka Carabka ayaa la filayaa in maalinta koowaad ee ay soomayaan bisha barakaysan ee Ramadan, oo la filayo inuu soo muuqdo dayaxa cusub, ayaa la filayaa inay noqoto May 6 oo ku beegan maalinta Isniinta.

Maxkamada Sare ee dalka Sucuudiga ayaa ugu baaqday dhamaan Muslimiinta inay eegaan bilasha dayaca, isla markaana cidii aragta ay ku soo wargaliso, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee SPA.

Dalalka Qatar, Indonesia, Lebanon, Suuriya, Masar, Marocco, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn iyo dalal kale oo muslimiin ah ayaa saadaalinaya in bisha barakaysan ee Ramadaan ay bilaabmayso maalinta Isniinta.

Halka Muslimiin farabadan oo ku nool Yurub iyo Maraykanka ay filayaan in ramadaan ay bilaabanto Axad.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA