Kuuriyada Waqooyi Oo Cunada Ka Yaraysay Dadkeeda Iyo Macaluul Laga Baqayo

Pyongyang, (HCTV) – Xaaladda dalkan la godoomiyey ee Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu qeexaa mid “aad u daran”, waxaana laga cabsi qabaa macaluul soo wajahda bilaha soo socda.

Kadib markii dawladda Kuuriya Waqooyi ay yaraysay oo ay hoos u dhigtay 300g oo Raashin qof kasta la siiyo maalin kasta kadib markii dalkan la godoomiyey ay soo food saareen dhibaatooyin dhinaca wax-soo-saarka beeraha ah tobankii sanadood ee u dambeeyey.

Qaramada midoobay waxay sheegtay in boqolkiiba 40 shacabka dalkaasi oo ah 10.1 million qof  ay si joogto ah ugu yartahay cunadu isla markaana aanay helin wax soo saar ku filan tan iyo wax beerashadii xigtay.

Baadhid ay samaysay hay’adda qaramada midoobay ee Barnaamijka Cuntada Aduunka ee (WFP) ayaa ogaatay in qoysas badan ay mudo yar oo kaliya helaan sanadkii cunto Boratiin leh.

Afhayeenka WFT oo la yidhaa Herve Verhoosel ayaa ku qeexay xaalada hada “mid aad u daran” – waxaanu ka digay in dalkaasi ay soo food saarto macaluuli bilo ama sanadado.

Macaluushii badhtamihii 1990s ku dhufatay dalkaasi ayaa la rumaysan yahay inay dishay saddex milyan oo qof.

Waxaanay WFP ay qaaday qiimayno dhinaca raashinka ah oo ay ka samaysay Pyongyang 29 March ilaa 12-kii April, halkaas oo kooxdii baadhista waday ay booqdeen meelaha quudinta, beeraha iyo guryaha dhulka miyaha iyo magaalooyinba ah.

Qalay, Kulayl daran iyo fatahaadaba ayaa sabab u ah dhibaatadan cusub, waxaana wasaarada arimaha dibada ee Maraykanku ay sheegtay in dawladda waqooygia kuuriya ay arimahaasi masuul ka tahay.

Afhayeen u hadlay dalka Maraykanku waxaabu sheegay Waqooyiga Kuuriya waa inuu wajahaa baahiyaha dadkiisa oo ay maalgalin u sameeyaan.