Ramadan 2019: Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Soonka

Khabiiro caafimaad ayaa sheegay in joojinta cuntada inta agu gudo jiro maalinta in ay ka hor tagto dhibaatooyinka dhinaca caafimaada isla markaana ay horumariso sidoo kale caafimaadka maskaxda.

Ramadan-ta oo dhamaan ka bilaabmaysa dalalka Aduunka 6-da May ayaa ah bisha ugu barakaysan bilaha Islaamka.

Bisha Ramadaan ayaa ujeedadeedu tahay in la joojiyo dhamaan Cunida, Cabitaanka, iyo xidhiidhada galmada marka waabariga ilaa cadceed ka dhaca, taas oo qofka ku hagta ale ka cabsi balaadhan ‘Taqwa’,.

Muslimiinta ayaa bisha barakaysan ee Ramadaan soo soomayey in ka badan 1400 sanadood, waxaana wakhti xaadirkan saynisyahano iyo ku talinayaan in soonka ay ku jirto faa’iidooyin caafimaad iyo mid jidheedba.

Waaana dadka aduunku ay soomaan saacado kala duwan halka kuwo ay soomaan 12 saacadood qaar kale ayaa sooma 16 saacadood halka kuwo kalena ay soo maan maalintii 20 saacadood.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA