Xad-gudubyo Adeeg Xumo Oo Loo Xidhay Cisbitaal Ku Yaalla Imaaraadka

Abu Dubai (HCTV) – Cisbitaal ku yaalla Magaalada Abu Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la xidhay, ka dib markii ka dhaceen Xad-gudubyo.

Cisbitaalkan oo Magaciisu yahay Abu dubai Universal Hospital ayaa Waaxda Caafimaadka ee Abu Dubai amartay in la xidho, isla-markaana bukaannada ku jira loo wareejiyo Cisbitaallada kale ee halkaasi ku yaalla.

Xidhitaanka Cisbitaalka ayaa la amray markii uu War-bixin soo saaray Hanti-dhowr ama Odhit baadhitaan ku sameeyay, kaasi oo War-bixintiisa ku sheegay inay Cisbitaalka ka dhaceen Xad-gudubyo la xidhiidha inaan Dadka ku jira sida ugu wanaagsan aan loo daaweyn ama aan loo daryeelin.

“Waaxda Caafimaadka, Abu Dubai (Haad) iyo Maamulka Caafimaadka ee Imaaraadka ayaa amray xidhitaanka Abu Dhabi Universal Hospital, si loo xoojiyo Caafimaadka iyo Bed-qabka Bukaannada iyo in ahmiyadda koowaad noqoto inay helaan daawayn Tayo leh..” ayaa lagu sheegay War qoraal ah oo Warbaahinta The National oo HCTV soo xigtay baahisay, laakiin Dr Shabeer Nellikode oo ah aasaasaha Cisbitaalka ayaa sheegay inaan Maamulka Dawladdu aanu si furan u sheegin waxa kormeerrayaasha ama Hanti-dhowrku ku arkay Cisbitaalka, hase-yeeshee wuxuu xaqiijiyey in xidhitaanka Cisbitaalku ku yimid taladii ay soo jeediyeen Baadhayaashu “Natiijada baadhitaanka kormeerayaashu waxay caddaysay inay Xad-gudubyo badan ka dhaceen Cisbitaalka Universal, taasi oo muhiim ka dhigtay in muddo bil ah si ku meel-gaadh ah loo xidho..” ayay sheegtay Haad.

Cisbitaalkan ayaa ku yaalla laba Dhisme oo midkiiba yahay 37 Dabaq, waxaana mid kasta yaalla 300 oo sariiradood, waxaana intaa dheer oo uu leeyahay waadhka lagula tacaalo Shilalka iyo Xaaladaha deg-degga ah oo ka kooban 18 qaybood.

Kormeerayaasha baadhitaanka ka sameeyay Cisbitaalka la xidhay, ayaa sidoo kale baadhitaano ka sameeyay Cisbitaallada ku yaalla Magaaladaasi, waxaana Waaxda Caafimaadka ee Abu Dubai (Haad) iyo Maamulka Caafimaadka ee Imaaraadku ballan-qaadeen inay kor u qaadayaan Adeegyada Caafimaad ee ay bixiyaan Cisbitaalladu, iyadoo si gaar ah loo xusay inta lagu jiro bisha Ramadaan ee Foodda innagu soo haysa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka