Dawladda Libya Oo Turkiga Ka Dalbatay Inay Gacan Ka Siyaan Dagaalka General Haftar

Tripoli, (HCTV) – Afhayeen u hadlay dawlada Libya oo la yidhaa Maxamed Gnounou, ayaa walaac ka muujiyey in dib loo dhaqaajiyo heshiisyadii hore ee Turkiga ay kula jireen si ay uga wadashaqeeyaan dhinaca milatariga.

Arintan ayaa imanaysa kadib markii uu shir jaraa’id uu qabtay Afhayeenka u hadlay Dawlada Libya kadib markii ay ka doodeen xaalada isa soo taraysa ee ka socota caasimada dalka Libya ee Tripoli.

Waxaana saraakiisha dawlada Libya ay farta ku fiiqeen in Tripoli ay waydiisanayso Turkiga iyo wadamada kale, oo aanu magacaabin afhayeenku taageero xaalada Tripoli wax ka tarta.

Afhayeen Maxamed Gnounou ayaa arintaasi ku qeexay “Libya waxa ay boodhka ka jafaysaa heshiisyadii hore ee ay Turkiga la gashay waxaanay dalbanaysaa in wax lagala qabto xaalada jirta.”

Waxaanu intaasi ku daray “In dalalkaasi ay ka taageeraan sidii dib ay iskaga celin lahaayeen ciidamada weerarka ku soo qaaday Tripoli ee General, Khalifa Haftar.”

Afartii April ayay ahayd markii ninka ay taageerto Imaaraadka Carabtu ee General Khalifa Hatar uu bilaabay weerar milatari oo uu ku soo qaaday caasimada dalka Libya ee Tripoli.

Dawladda dalka Libya ee Qaramada Midoobay taabacsan tahay oo iyadu gacanta ku haysa caaismada oo tan iyo markii dagaalkaasi bilaabmay beesha caalamka ugu baaqaysay inay ka taageeraan sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen weerarkaasi lagu soo qaaday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA