Faysal Oo Sheegay Inay Cirro Ku Heshiiyeen Inay Somailand Keenaan Amisom (AKHRI)

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay marnaba KULMIYE iyo UCID aanay ku heshiinin inay dalka ka dhacdo Doorasho ay labadooda oo keliy ka qayb-galaan.

 

Guddoomiyaha UCID oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa yidhi “Waxaanu nidhi Doorashadu ha dhacdo ee Maanu odhanin laba Xisbi ayaa qabanaya, sida Sharcigu sheegayana ha dhacdo 12-ka December, 2019, Komiishankii uu WADDANI yidhi kuma kalsoonina ay meesha ka baxayaan, markaa geesta kasta wuu guulaystay, laakiin Ninkii wuxuu yidhi ‘Baroortu Orgiga ka weyn’ arrintu Komiishanka way ka weyn tahay.”

 

Faysal wuxuu sheegay in sababta xisbiyada UCID, KULMIYE iyo WADDANI ay heshiis uga gaadhi la’yihiin Khilaafka dib u dhaca doorashooyinka ay tahay in Gacmo-shisheeye ku jiraan Somaliland “Weligayo Xisbiyada sidaas ayaanu isku qaban jirnay, 6.6 waad ogaydeen, arrimuhu waxay ahaayeen kuwo aanu gacanta ku hayno, laakiin runtaan idiin sheegayaa reer Somaliland Maanta arrimaha waa la inala yeeshay, gacmo-shisheeye ayaa inagu jira, taasi waa sababta aynu u heshiin waynay 14-ka bilood.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka soo horjeedsaday Xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay Degmooyinka Gobolka Sanaag “Sanaag, Saddexdii degmo ee Maamulkeenu ka shaqaynayey markii la yidhi Xaalad deg-degga ah ayaa lagu rogay, macnaheedu waxa weeyaan Dalkaygu nabad maaha, markaa waxay ahayd go’aan xun (Xaaladda deg-degga ahi)…”

 

Laakiin, Arrinta naadirka ah ee Faysal Cali Waraabe sheegay ayaa ahayd in isaga iyo Guddoomiyaha WADDANI ay mar ku heshiiyeen inay Somaliland keenaan Ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM “Cabdiraxmaan-Cirro waakaase ha igu beeniyo, waxaan ku idhi, Haddii Saylici uu Madaxweynaha ka soo dhamayn waayo labadii Xubnood (ee Komiishanka lagu darayey), labadeenuna intaynu tagno Nairobi ayaynu AMISOM u yeedhaynaa, Cabdiraxmaan wuxuu yidhi waa si fiican, Gacan Libaax baynu ka soo dejinaynaa ayaan ku odhi oo leh Garoon diyaaradeed oo dabiici ah, ka dibna Arbacadii ayaa labadii xubnood la noo keenay, laakiin Cabdiraxmaan wuu diiday..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka