Sri Lanka Oo Dalkeeda Ka Eriday 200 Oo Wadaad Ka Dib Weeraradii Dadka Badan Ku Dhinteen

Colombo, (HCTV) – Dawlada Sri Lanka ayaa dalkeeda ka eriday 600 oo ajaanib ah oo ay ku jiraan 200 oo wadaad, tan iyo intii dalkaasi ay ka dhaceen weeraradii bambaano ee lagu eedeeyey inay ku soo qaadeen koox Jihaadiyiin Islaami ahi, sida uu wasiirka arimaha gudaha oo la yidhaa Vajira Abeywardena uu u sheegay wakaalada wararka ee AFP oo HCTV ka soo xigtay.

Waxaanu Wasiirku tilmaamay in culimadani ay dalka Sri Lanka ay ku soo galeen si sharci ah balse markii ciidamada amaanku ay qaadeen hawlgalo amaan oo baaxad leh weeraradaasi ka dib lagu soo qabtay wadaadadaasi oo uu sheegay in fiisihii ay dalka ku joogeen uu ka dhacay oo mudo badan ay dalkaasi sii joogeen iyagoo fiisuhu ka dhacsan yahay.

“Anaga oo tixgalinayna xaalada wadanku uu ku sugan yahay wakhti xaadirkan, waxaanu dib u eegnay hanaanka Fiisaha ama dal ku galka dalka, waxaanu go’aan ku qaadanay in aanu adkayno fiisayaasha macalimiinta dhinaca diinta,” ayuu yidhi Abeywardena.

Waxaanu intaasi ku daray “Dadkaasi aanu ka saarnay dalka waxa ka mid ah 200 oo wadaado diinta Islaamka fidiya ama wax wacdiya.” Ayuu yidhi Wasiirka arimaha Gudaha ee dalka Sri Lanka.

Qaraxyadii maalintii Axadii ee munaasibada Easter-ka ka dhacay dalka Sri Lanka ayaa waxa ku dhintay dad tiradoodu ka badan tahay 257 qof halka ay ku dhaawacmeen 500 oo kale, waxaana hogaaminayey wadaado u dhashay dalkaasi iyo kuwo la rumaysan yahay inay ka soo socdaaleen dalka ay jaarka yihiin ee India oo xidhiidh la lahaa jihaadiyiin Sri Lanka u dhashay.

Hase yeeshee Wasiirku ma uu sheegin meelaha ay u dhasheen dadka laga eryey dalkaasi, balse bilaysku waxa ay sheegeen dadka Fiisuhu ka dhacay ee dalka sii joogay tan iyo intii ay dhaceen qaraxyadu ay ka yimaadeen dalalka Bangladesh, India, Maldives iyo Pakistan.

 HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA