Maraykanka Oo Ka Qaylo-dhaamiyey Qorsheyaasha Milletari Ee Shiinaha

USA (HCTV) – Waaxda Difaaca Maraykanka ee loo yaqaano The Pentagon oo dedaal ugu jira siduu isugu ballaadhin lahaa Dalka dibeddiisa, ayaa haddana ka wer-weraya Shiinaha.

Wer-werka Maraykanka ayaa soo if-baxay markii Shiinuhu bilaabay Qorshaha uu Milletari ahaan isugu fidinayo Dunida, wallow uu hadda Dalka dibeddiisa ku leeyahay Saldhig keliya oo Milletari, kaasi oo ku yaalla Dalka Jabuuti.

Shiinaha ayaa qorshaynaya inuu kordhiyo Saldhigyadiisa Milletari ee uu Dunida ku leeyahay, si uu u ilaashado Mashaariicdiisa, waxaana la rumaysan yahay inuu Saldhig ka dhisayo Dalka Pakistan, isagoo raadinaya inuu quwadaha Adduunka ka mid noqdo.

War-bixin la soo saaray Khamiistii ayaa sida Al-jazeera baahisay waxa lagu sheegay in Waaxda Difaaca ee Maraykanku si dhow ula socoto ama isha ku hayso Qorsheyaasha Shiinuhu ku badinayo Saldhigyadiisa Milletari, waxaana Warbaahinta Ruushka sida RT ay War-bixino ay arrintan ka qoreen ku tilmaameen in Maraykanku Daaray ama Shiday Dhawaaqa Digniinta ama ka qaylo-dhaamiyey Qorsheyaasha Milletari ee Shiinaha.

War-bixin sanadeedka 2019-ka oo Milletariga Shiinuhu soo saaray Khamiistii isla-markaana HCTV arkay ayaa lagu sheegay in dhaqdhaqaaqyada Milletari ee Shiinuhu ku aaddan yahay danaha Dibedda ee  Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

“Shiinuhu wuxuu doonayaa inuu Saldhigyo Milletari oo dheeraad ah ka sameeyo Dalalka ay muddada dheer saaxiibka ahaayeen iyo kuwo ay danaha muhiimka ah wadaagaan..” ayaa lagu sheegay War-bixinta Milletarigu Shiinuhu soo saaray Khamiistii.

Mashaariicda horumarineed ee Shiinuhu Dalkiisa dibeddiisa ka wado waxa ka mid ah Mashruuca ‘One Belt, One Road’ (OBOR), kaasi oo ka mid ah kuwa khasbaya in Shiinuhu uu Saldhigyo Ciidan oo cusub ka fikiro, laakiin waaxda Difaaca Maraykanku waxay ka digtay Isku ballaadhinta Ciidan ee Shiinaha ee Dunida, taasi oo si deg-deg ah ku socota.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka