Updates: Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Madaxweynihii Hore Ee Nigeria

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo, kaasi oo Maanta booqasho ku yimid Hargeysa.

War-saxaafadeed lagu faahfaahiyey kulanka dhex maray labada dhinac oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland isla-markaana soo gaadhay Telefiishanka HCTV, ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo oo imikana ah Guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation oo ka shaqaysa horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta nidaamyada caalamiga oo xarunteedu tahay dalka South Africa oo waddanka ku yimid marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Somaliland, waxaanu warbixin guud ka siiyey Marxaladihii kala duduwanaa ee ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland iyo wakhtigan halka ay marayso, waxaanu Madaxweynuhu u sheegay Olusegun Obasanjo, in shacbiga Somaliland xasuusan yahay guddidii xaqiiqo raadiska midawga Afrika u soo diray 2005-tii Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ahaa gudoomiyihii midawga Afrika ee xiligaas, si ay uga sameeyaan warbixinno la xidhiidha qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, maanta oo uu ku sugan yahay Somaliland-na ay guud ahaan indhaha Jamhuuriyadda Somaliland muddo 28 sano ah ay soo eegayeen madaxda, siyaasiyiinta iyo odayaasha Afrika ee uu ka midka yahay, kana dhursugayaan sidii ay Afrika uga heli lahaayeen waxa ay ka mudan yihiin oo ah aqoonsi ay ka helaan afrika inteeda kale iyo beesha caalamka.

Madaxweyne Olusegun Obasanjo oo xukunka dalkiisa hayey intii u dhaxaysay 1999-2007-kii, isla-markaana Midowga Afrika hoggaaminayey intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2006, ayaa safarkiisani waxa uu qaadan doonaa muddo laba maalmood ah, isagoo booqan doona xafiisyo kala duwan oo dawladdu leedahay.

Kulanka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay madaxweynihyihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo, ayaa waxa ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali waraabe), wasiirrada arrimaha gudaha, iyo  hawlaha guud, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, wakiilka Somaliland u qaabilsan midawga Afrika, maayarka caasimada Somaliland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada..”

 

 ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.