Somaliland: Jadwalka Shaqaalaha Dawladda Oo Wax Laga Beddelay Bisha Ramadaan

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa sheegay in wax laga beddelay Saacadihii ay Shaqaaluhu geli jireen Shaqooyinka iyo xilliga laga baxayo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Farxaan Aadan Haybe oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaan dhammaan shaqaalaha ah Cududda Jamhuuriyadda Somaliland u war-gelinaynaa in Jadwalka shaqada la soo gelayo uu yahay 8-da Subaxnimo, waxaana laga baxayaa shaqooyinka 1-da Duhurnimo.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Wakhtigaasi waa Bisha Ramadaan oo keliya, waxaanu ka bilaabmayaa Maanta oo Isniin ah, waxaanu ku eg-yahay 30-ka bisha Ramadaan, markaa waxaan ka codsanayaa Shaqaale-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland inay inta bisha Ramadaan ilaaliyaan wakhtiga shaqada.”ayuu yidhi

Shaqaalaha ayaa hore shaqada u bilaabi jiray 7:30 Subaxnimo, waxayna ka bixi jireen 2 Duhurnimo, sidaana waxa dhigaya Sharciga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka