Madaxweyne Geelle Oo Isku-shaandheeyay Xukuumaddiisa

Jabuuti (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isku-shaandhayn ku sameeyay Xukuumaddiisa.

Madaxweynaha ayaa Wasiirradii Xukuumadda intooda badan isku bed-beddalay, halka uu Wasiirro cusub oo kooban Magacaabay.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka Garsoorka iyo Jeelasha u Magacaabay Cali Xasan Bahdoon oo hore u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirkii Maalgashiga ee Jabuuti Cali Geelle Abuubakar ayaa loo Magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga

Wasiirka gaashaandhigga ee Qaabilsan ilaaqaadka Baarlamaanka waxa loo Magacaabay Xasan Cumar Maxamed oo hore u ahaa Wasiirkii Arrimaha gudaha, halka Wasaaradda Arrimaha gudaha loo Magacaabay Muumin Axmed Sheekh oo hore u ahaa Wasiirkii Garsoorka.

Wasiirka Caafimaadka waxa loo Magacaabay Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Gaadiidka iyo qalabaynta waxa loo Magacaabay Muuse Maxamed Axmed oo hore u ahaa Wasiirka Deegaanka.

Madaxweyne Geelle waxa kale oo uu Wasiirka deegaanka u Magacaabay Maxamed Cabdiqaadir Muuse Xalam oo hore u ahaa Wasiirka Gaadiidka, halka Wasiirka Miisaaniyaddana uu u Magacaabay Cabdikariin Aadan Sheekh.

Xukuumaddan cusub ee Jabuuti ayaa xubnaha ku cusub waxa ka mid ah Wasiirka Miisaaniyadda.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka