Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Afrika Ee Masar Oo Somaliland Booqasho Ku Yimid

Hargeysa (HCTV) – Wefti uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Masar Ambassador Hamdi Loza, kuwaasi oo Somaliland ku joogaya booqasho dhowr Maalmood ah.

Weftigan oo Dalka Maanta soo gaadhay ayaa waxa Madaarka Hargeysa ee Cigaal ku soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda iyo Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal kooban oo lagu baahiyey Barta Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland ku leedahay Facebook, halkaasi oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Wasaaradda ayaa Warka ay baahisay kuma sheegin ujeeddada booqashada Weftigan uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Masar, sidoo kalena Wasaaradda Arrimaha dibedda Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika.

Wasiir ku-xigeenka Afrika u qaabilsan Masar ayaa ka mid ahaa Masuuliyiin Masaari ah oo Sannadkan gudihiisa Magaalada Qaahira kula kulmay Wasiir ku-xigeenka Caafimaad Somaliland, oo xilligaa ahaa Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda.

Socdaalka Weftigani ku yimaaddeen Somaliland, ayaa ku soo beegmay Maalin ka dib, markii uu Hargeysa soo gaadhay Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Mr Olusegun Obasanjo, kaasi oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenkiisa iyo Xubno kale oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka