Maraykanka Oo Ka Hadlay Duqayn Ay Ka Geysteen Shabeellaha Hoose

Muqdisho, (HCTV) – Milatariga Maraykanka ayaa ka hadlay duqayn dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Somalia.

Warka ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka oo gacan ka helaya ciidamo ka tirsan Somalia ay 5-tii bishan duqayn cirka ah ka geysteen degaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo ay la beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen ururka Al-shabaab.

Maj. Gen. Gregg Olson oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ee AFRCOM ayaa sheegay in duqaynta cirka ee ay qaadeen ay tahay mid ay ku taageerayaan dawlada Somalia isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Duqaynta dhinaca cirka ah waa mid aan ku taageereeyno dowladda Soomaaliya,si ay ula dagaalanto Al-Shabaab, islamarkaana ay u wiiqanto awoodooda,waxaana ku dilnay saddex ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayuu yiri Agaasimaha dhinaca Ammaanka u qaabilsan Afrikom Qaarada Afrika Maj. Gen. Gregg Olson.

Waxaa uu intaa ku darray in ay baarayaan in dad rayid ah wax ku noqdeen, isaga oo intaa ku darray in ay sii wadi doonaan howlgalada dhinac cirka ah ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana 26-kii Bishii la soo dhaafay ay Apriil uu duqeyn la beegsaday saldhigyo Daacish-ta Soomaaliya ay ku leedahay Buuraha Golis ee Gobolka Bari Puntland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA