Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Lafa-Ruug Iyo Khasaaraha Dhimashada Ee Ka Dhashay

Lafa-ruug, (HCTV) – Shil gaadhi ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanka Lafa-ruug iyo Xamaas oo ka tirsan Gobolka Saaxil.

Shilkan gaadhi ayaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 7 qof halka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale.

Shilkan baabuur ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo waaweyn oo kala ah gaadhiga loo yaqaano Waaraadka ama Candho-Meydle iyo Bas kuwa rakaabka ah oo ay leedahay shirkadda Damal.

Waxa hada socota daad gureynta Meydka iyo dhaawaca sida ay sheegayaan wararka ilaa iyo hadda uu helayo Telefishanka HCTV.

Dhinaca kale waxa isla maalintii shalay shil culus uu ka dhashay laba gaadhi oo isku dhacay kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawax, waxaanu shilkaasi shalay ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA