Turkiga: Natiijada doorashadii Maayarka Istanbul Oo Laga Noqday

Turkey (HCTV) – Guddiga sare ee Doorashooyinka Dalka Turkiga ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Mar labaad Tartan loo geli doono Doorashada Maayarka Magaalada Istanbul ee dalkaasi.

Istanbul ayaa ah Caasimadda ugu weyn Dalka Turkiga, waana Xarunta Dhaqaalaha ee Dalkaasi.

Codaynta doorashada Maayarka Istanbul ayaa loo qoondeeyay in loo dareero oo la qabto 23-ka bisha June, 2019, sida Guddigu ku sheegay Qoraal ay soo saareen.

Guddiga ayaa intaa ku daray in la Kansalay natiijadii ka soo baxday Goobihii Cod-bixinta ee doorashadii dhacday 31-kii Bishii March, 2019, waxayna sheegeen in sidaa loo yeelay in la xaqiijiyo Kalsoonida lagu qabo Natiijadaasi.

Komiishanku wuxuu sheegay in qaar ka mid ah Guddiyada xaafadaha ee sanaaduuqda Doorashadii dhacday 31-kii March ee sanakan ay sameeyeen waxyaabo sharci-darro ah, sidaasi darteedna ay iyaga iyo xubno ka mid ah Guddiyada Komiishanka ee degmooyinka Istanbul ay Dacwado waajihi doonaan.

Natiijada Doorashada Codadkii laga dhiibtay laga noqday ayaa sidoo kale meesha ka saaraysa Sharci-nimadii Mayor Ekrem Imamoglu n oo ku guulaystay Maayarnimada Istanbul, isagoo ka soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah Republican People’s Party (CHP).

Madaxweynaha Turkiga, ahna Hoggaamiyaha Xisbiga AK, Recep Tayyip Erdogan ayaa isagu hore komiishanka uga codsaday in doorashada dib loogu celiyo, ka dib markii ay soo baxeen Wararka sheegaya in wax isdaba marin dhacday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka