Sheekh Maraykanku Dhalashada Kala Noqday Oo Somaliland Yimid

Seattle, (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa muwaadinimadii ka qaaday Wadaad hore imaam uga ahaa masaajidka ugu balaadhan Portland ee dalka Maraykanka, kaas oo kadibna socdaal ku yimid Somaliland todobaadkii u dambeeyey.

Mohamed Sheikh Abdirahman Kariye ayay dawlada Maraykanku ay ku dartay dadka aan socdaali karkin, balse dawladu markii dambe ayay u ogolaatay inuu u socdaalo dalkiisa Somaliland bishii January.

Hase yeeshee dawladda markii dabe ayuu  Kaariye uu waafaqay isla markaana uu qaatay amarkaasi lagala noqday muwaadinimada Maraykanka iyo in uu macluumaad been abuur ah uu bixiyey si uu ugu safro 1997-kii markaas oo uu codsaday Maraykanka isla markaana uu raacay hanaanka loo codsado Maraykanka.

Arintaasina waxa timid  markii subaxnimadii Isniintii qareenkii Kaariye uu waydiistay inuu ka baxayo arinta maadaama oo uu ogaaday in Kaariye lagu xidhay madaarka Dubai.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Kariye oo da’diisu tahay 57-jir ayaa duulimaadka Arbadii kaga yimid Seattle isagoo duulimaad 14 saacadood qaatay ku yimid Dubai, kaas oo afar maalmood ka dibna socdaal yimid Somaliland. Sida ay qorayaan warbaahinta caalamku.

https://www.horndiplomat.com/2019/05/07/portland-mosques-imam-arrives-in-somaliland-after-the-u-s-revokes-his-citizenship/

 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA