Dawladda Qadar Oo $ 480 Milyan Ugu Deeqday Falastiniyiin

Qadar (HCTV) – Dawladda Qadar ayaa ku dhawaaqaday inay Taageero dhaqaale siinayso Dadka reer Falastiin ee ku dhaqan Daanta Galbeed ee dhulkooda Isreal Xoogga ku haysato.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Qadar Salaasada Maanta, ayaa lagu sheegay in 300 Million oo dollar oo Lacagtaa ka mid ah si gaar ah wax loogaga qaban doono adeegyada waxbarashada, Laydhka iyo Caafimaadka ee deegaanka Raamalah oo Falastiiniyiintu Maamulaan.

Halka $ 180 Milyan oo kalena si gaar ah wax loogaga qaban doono Hawlaha Bani-aadaminimo ee deg-degga ah ee Hay’adaha Qaramada Midoobay halkaa ka wadaan.

Hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniya oo taageerada Qadar ka hadlay ayaa u Mahad-celiyey Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxaanu soo dhaweeyay taageerada dhaqaale ee Qadar siiso Falastiiniyiinta.

Taageerada dhaqaale ee Qadar ayaa ku soo beegmaysa, ka dib isku-dhacyo Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay u dhexeeyay Isreal iyo Falastiiniyiinta, kaasi oo Qarxday markii Diyaaradaha Isreal duqeeyeen meelo ka mid ah Dhulka Falastiniiyiinta iyo Gantaalo dagaalyahannada Falastiin ku tuureen Koonfurta Isreal.

Duqaymahan ayaa waxa ka dhashay dhimashada 25 Falastiiniyiin ah iyo 4 Isreal’iiliyiin ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE