Diyaarad Mexico Ku Burburtay Oon Cidi Ka Badbaadin

Mexico, (HCTV) – Diyaarad yar oo ahayd Jet oo siday 13 qof ayaa ku burburtay buuraha dhulka miyiga ah ee waqooyiga dalka Mexico.

Diyaarad Yare e Jet-ka ah ayaa 13-ka qof ee saarnaa 5 ka mid ahi ay isku qoys ahaayeen kuwaas oo ka soo noqday magaalada Las Vegas kadib markii ay halkaasi ku soo daawadeen ciyaar Feedh-feedh ah.

Diyaarad ayaa ahayd mid gaar ah waxaana ku dhintay dhamaan 13-kii qof ee saarnaa sida ay sheegtay dawladda Mexico oo war-saxaafadeed arintaasi ka soo saartay ku sheegtay in aanay jirin cid ka badbaaday shilkaasi diyaaradeed.

Muuqaal uu baahiyey mid ka mid ah telefishanada maxaliga ah ee dalkaasi oo la yidhaa Milenio ayaa muujinaya hadhaaga diyaarada oo gubtay oo dhulka ku filqay.

Waxaana warbaahinta Mexico ay ku waramayaan in dadka saarnaa diyaaradaasi ay ka soo noqdeen kadib markii ay u daawasho tageen ciyaar dhex maraysay feedh-yahan reer Mexico ah oo la yidhaa

Saul “Canelo” Alvarez iyo Feedhyahanka Daniel Jacobs oo ku dagaalamayey ama ciyaar feedh ay ku dhexmaraysay Las Vegas on Saturday.

Waxaana dadka dhintay da’doodu ay u dhaxaysay 19 ilaa 57 jir.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA