“Gurigaaga Shaah Lagama Cabbo Ayay Maraysaa..” Xil. NAC-NAC

Hargeysa (HCTV) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka xumaaday hadallo deel-qaaf ah oo Siyaasiyiin Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ahi isku waydaarsadeen Warbaahinta.

Siyaasiyiinta kala ah, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka wada tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa Xukuumadda ku dhaliilay Xadhig ay kula kacday Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ah ee Xisbiga WADDANI iyo Madaxtooyada cusub ee Xukuumaddu ka dhisayo Galbeedka Hargeysa.

Laakiin, Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan oo eedaymahaa ka difaacayey Xukuumadda uu ka tirsan ee Xisbiga KULMIYE, wuxuu adeegsaday Kalmado ku cusub cunfiga siyaasadda ah, waxaanu mar uu u jawaabayey xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid yidhi “Gurigaaga Biyo lagama Cabbo..”,

Hadalka noocaas ah oo bulshadu dareeno kala duwan ka bixisay ayaa waxa ka hadlay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo Maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Xisbiyada waxaan leeyahay waxaan siyaasad ahayne ha innaga hadho, Waayo? Gurigaaga Shaah lagama cabbo ayay maraysaa, markaa waxaan leeyahay walaalayaal Dad Walaalo ah ayaynu nahay aynu ku soo noqono (Dariiqa Saxda)…”

Xildhibaanku wuxuu soo jeediyey inaan hoos la iskugu dhaadhicin ee Waxqabad la’aan ay Xisbiyadu isku dhaliilaan “Waxqabad la’aan aynu isku dhaliilno, laakiin Gurigaaga Shaah lagama cabbo iyo waxaas ayaad ahayd, hadallada noocaas ah aynu iska dayno, Cadow keliya ayaynu leenahaye aynu iska Caabbino..”ayuu yidhi

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka