Pakistan: Qarax Lala Beegsaday Maqaam Ay Leeyihiin Xerta Suufiyadu

Islamabad,(HCTV) –  Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay tiro 24 qof ka badanina way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay afaafka Maqaam caan ah oo ay lihiin Suufiyadu oo ku taala magaalada bariga Pakistan ee Lahor.

Qaraxan ayaa dhacay subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaca ah waxaana qaraxa lagu bartilmaameedsanayey gaadhi ciidamada Bileysku ay leeyihiin oo yaalay Maqaamka Data Darbar.

Sideeda qof ee dhintay ayaa shan ka mid ahi ay yihiin ciidamada Bileyska, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Chief Arif Nawaz oo ka tirsan Bileyska gobolkaasi, wax yar ka dib markii qaraxaasu dhacay.

“Ilaa iyo hadda waanu baadhaynaa inuu yahay qarax lagu rakibo baabuurta iyo inuu yahay qarax ismiidaamin,” ayuu yidhi, Ashfaq Ahmed, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan biileyska.

Maxamed Farooq oo ah Afhayeenka Kooxaha gurmadka degdega ayaa sheegay in ugu yaraan shan ka mid ah dadka dhaawacmay xaaladoodu ay khatar tahay isla markaana lagu dabiibayo cusbitaalka Mayo ee magaalada Lahore.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA