Toogasho Ka Dhacday Iskuulka Colorado Ee Dalka Maraykanka

Colorado, (HCTV) – Laba arday ayaa rasaas ku furay dugsiga Sayniska iyo Technology-yada ee Colorado, waxaana ku dhintay hal arday halka ay ku dhaawacmeen todoba kale, sida ay sheegeen saraakiisha cusbitaalka iyo ciidamada bileyska ee degaanka ay toogashadu ka dhacday ee dalka Maraykanka.

Bileyska xaafada The Douglas County ayaa sheegay in la maqlayey in toogashadu ay ka dhacaysay qaybta Sayniska, Technology-yada, Injineerinka iyo Xisaabta (STEM) ee Iskuulka, kaas oo 40km koonfur kaga beegan Denver, markii ay gaadheen goobta si ay u baadhaan rasaasta meesha ka dhacday.

Nin magaciisa ku sheegay Fernando Montoya ayaa sheegay in wiilkiisa oo 17 jir ah, oo ku cusub qaybta STEM, saddex jeer la toogtay, mid ka mid ah saaxiibadiina uu dhaawacan yahay.

Waxa uu tilmaamay in markii maydka wiilkiisa cusbitaalku uu siiyey  ay u sheegeen in ardayga weerarka soo qaaday uu fasalada hor marayey kadibna uu rasaasta uu ku furay ardaydii fasalada ku jiray.

Sidoo kale sideed arday ah ayaa loo qaaday cusbitaalka si loogu daweeyo dhaawacyo ka soo gaadhay toogashadaasi ka dhacay Colorado, waxaanu Askari ka tiran Bileyska oo la yidhaa Tony Spurlock uu wariyeyaasha u sheegay in todoba ka mid ah ardayda dhaawacantay ay ku jiraan xaalad khatar ah, halka wiil yar oo da’diisu tahay 18 jirna uu ku dhintay toogashadaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA