IRAN Oo Ku Hanjabtay Inay Dib U Bilaabayso Kobcinta Macdanta Laga Sameeyo Nukliyeerka

Iran (HCTV) – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa dib u bilaabaysa Kobcinta  Macdanta Yuuraaniyamta ee laga sameeyo Hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, haddii aanay Dawladaha ugu Quwadda weyn Adduunku aanay ilaalint heshiiskii ay IRAN la galeen sannadkii 2015, kaasi oo cunaqabaynta lagaga qaado, iyaguna joojiyaan samaysashada Hubka Nukliyeerka.

Hadalkan Hanjabaadda waxa Khamiista sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee IRAN, Hassan Rouhani, kaasi oo sheegay in aanay jirin sabab ay ugu sii jiraan Heshiiskii Nukliyeerka ee ay la galeen Quwadaha reer Galbeedka.

Hadalka Madaxweyne Hassan Rouhani oo laga siidaayey Telefiishanka Dawladda ayuu ku sheegay in ballan-qaad ay sameeyeen Dawladaha France, Germany, China and Russia iyo UK ay ka hadhsan tahay lixdan Maalmood oo keliya, kaasi oo ahaa inay Faro-gelinta uu Maraykanku hayo Ganacsiga IRAN ee Shidaalka ay ka hor-joogsadaan, sidoo kalena uu Maraykanku ogolaado in IRAN la macaamiisho Baananka Adduunka ee Maraykanka xidhiidhka la leh.

Hadalkan ayaa imanaya Sannad ka dib, markii Madaxweyne Trump uu Dalkiisa Maraykanka ka saaray heshiiskii ay IRAN la gashay Dalalka Adduunka ugu quwadda badan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka