Diyaarad Dagaal Oo Uu Waday Duuliye Boortaqiis Ah Oo Lagusoo Riday Liibiya

Tripoli, (HCTV) – Diyaarad dagaal oo uu waday Duuliye Bortaqiis ah ayaa lagu soo riday Koonfurta magaalada Tripoli ee caasimada dalka LibIya, taas oo ay soo rideen ciidamad Generalka mayalka adag ee hogaamiyaha ciidamada la baxay Ciidamada Qaranka Libya.

Kuwaas oo sheegay inay gacanta ku soo dhigeen duuliye calooshiisa u shaqayste Boortaqiis ah oo ka dagaalamayey gudaha dalka Libya.

Waxaanay intaasi ku dareen Ciidamada General Aftar in ay qabteen duuliyihii waday diyaaradaasi dagaalka oo u dhashay dalka Bortaqiiska, waxaana la arkayey muuqaalka sawirka duuliyahaasi laga soo qaaday oo muujinaya dhiig qariyey wajigiisa.

Sawirada ninkan dhiig baxaya oo xidhan tuutaha ciidamada ayaa lagu arkayey baraha bulshada ee internet-ka oo la soo dhigay, kaas oo ay ku hareeraysan yihiin ciidamo sheegay inay daacad u yihin ninka Adag ee Libiyanka ah ee General Khalifa Haftar.

Ciidamada General Haftar ay tilmaamay in sawirada duuliyahan Boortaqiiska ah ee ay qabteen ay u direen Suxufiga Madaxabanaan ee Bariga Dhexe ka warama Bel Trew kaas oo sheegay in ninkaasi uu yahay ajnabi ka yimid Portugal.

Duuliyahan ayaa la qabtay markii diyaaradiisa lagu soo riday meel u dhaw Wadi al-Hira oo koonfur kaga beegan Caasimada dalka Libya ee Tripoli.

Hase yeeshee waxa soo baxaya warar is-khilaafsan oo ku saabsan dalka uu u dhashay ninkani, waxaanay warbaahinta qaar ay sheegayaan in Duuliyahan la qabtay uu ka soo jeedo dalka Talyaaniga, balse qaybta wararka u qaabilsan Milatariga General Haftar ayaa sheegaya inuu yahay Caluushiisa U Shaqayste Bortaqiis ah.

Sidoo kale muuqaal laga duubay duuliyahan oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa tilmaamaya in Duuliyahani uu magaciisa ku sheegay “Jimmy Rees” mar su’aalo la waydiinayey waxaanu intaasi ku daray in da’diisu ay tahay 29 jir ka yimid dalka Bortaqiiska.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA