Soomaaliya: Tirada Xildhibaanno Lagu Eedeeyay Inay Ku Talo-gal Uga Maqnaadaan Fadhiyada Baarlamaanka

Muqdisho (HCTV) – Shir-guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Xildhibaano ka mid Baarlamaanka ku eedeeyay xil-gudasho la’aan.

Shir-guddoonka ayaa Warbaahinta u sheegay inay jiraan 143 Xildhibaan oo aan ka soo qayb-gelin Fadhiyada Golaha Shacabka, waxayna Xildhibaanadaa ku eedeyeen inay sidaa u yeelaan ku talo-gal ah.

Shir-guddoonka oo uu weheliyo Maxamed Cabdillaahi Nuux oo ka mid ah Xildhibaannada, ahna Hab-dhowraha Golaha Shacabka, ayaa sheegay in Maqnaanshiyaha Xildhibaannadaasi ay tahay waxa sababta u ah in Fadhiyada golaha Shacabku u furmi-waayo Kooram la’aan.

Xildhibaannada ayaa Shir-guddoonku sheegeen in aanay fadhiyada ka soo xaadirin iyagoo jooga Magaalada Muqdisho, taasina ay tahay Ceeb iyo xil-gudasho la’aan.

Guddoonku wuxuu sheegay in Maaddaama oo aanu Sharcigu ogolayn in Mudaneyaashu ay sabab la’aan  u maqnaadaan, wixii hadda ka dambeeya tallaabo Sharci ah laga qaadi  doono, iyadoo loo adeegsanayo waxa uu Xeer-hoosaadku ka qabo.

Fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida Caadiga ku furma Xildhibaano Tiradoodu dhan tahay 139 Xildhibaan, laakiin inta maqnaata ayaa ka badan inta uu ku furmo.

Tirada xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badan 500.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka