Dilaaliinta Kalyaha: Yemeni Xubnihiisa Lagu Iibiyey $5,000, Masar Gudaheeda

Qaahira, (HCTV) – Cusbitaal ku yaala Masar iyo Saraakiil ka tirsan Safaarada Yemen ay ku leedahay Qaahira, ayaa ku hawlan iibinta xubno bani’aadam 2014-kii waxaana ku jiray boqolaal bukaan iyo didaaliin ka soo kala jeeda Yemen iyo Masar, sida lagu ogaaday baadhis ay Aljazeera samaysay.

Waraysiyo iyo Documentiyo ay heshay Aljazeera, ayaa baadhista waxa ay muujisay saraakiil  ku bixiyey waraaqo been abuur ah in dad ay ku heleen amaro ay ku bixiyeen xubnahaasi bani’aadam.

Ganacsigan xubnaha bani’aadamka ayaa khatar ku ah dadka saboolka ah ee Yemen oo doonaya inay u socdaalaan Masar si ay u iibiyaan Kali si ay u helaan dakhli ay ku sii noolaadaan, ugu yaraan in mudo ah.

Mid ka mid ah Yemenidani waa Axmed*, kaas oo 2014-kii u sheegay saaxiibkii inuu ka helay xabad kaliya $5,000 dollar. Oo uu ogolaaday, una duulay qaahira.

Inkastoo aanay yemen xiligaasi ahayn meesha dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ugu daran aduunku ay ka jiraan ee aanu dagaalku burburin boqolkiiba 80 shacabkeeda.

Balse waxay ahayd dalka ugu saboolsan bariga dhexe, qayb ahaana shacabku ay sabool yihiin.

Gudaha Yemen, iibinta xubnaha qofku maaha sharci daro. Balse dalka Masar in xubnaha qofka la iibiyaa waa sharci daro.

Nabil al-Fadhil, oo ah madaxa ururka Yementa ee la dagaalama ka ganacsiga xubnaha banidaamaka ayaa sheegay in ay cadeeyeen 1,000 kiis oo xubno la iibiyey ah, balse ay intaasi ka badan yihiin oo ay yihiin tobonaan kun.

“Kunkii aanu waraysanayba, 900 ayaa iibiyey kalyahooda – kadibna waxaanu ku noqonay yemen oo dilaaliintu ay raadinayaan dhibanayaal cusub,” sidaasi waxa yidhi al-Fadhil oo Aljazeera u waramayey dhamaadkii 2018.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA