“18-ka May Uma Naqaano Maalin Qaran..” Mudane Reer SOOL Ah

Hargeysa (HCTV) – Xildhibaan Dhakool oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in aanu aaminsanayn in 18-ka May oo sannad kasta laga Xuso Somaliland ay tahay Maalin Qaran oo Ummadda Somaliland wada leedahay.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Xuska 18-ka May uu yahay mid ku salaysan Cid gaar ah, maaddaama oo Maalintan la aasaasay  Maalintii Ururkii SNM oo u badnaa Beesha dhexe ay ku dhawaaqeen Madax-banaanida Somaliland.

“18-ka May waa Maalin Beesha SNM ay calaamadsatay oo ay u dabbaal-degayso, welina Beelaha Darafyadu maalin madow bay u yaqaanaan..” ayuu yidhi, Xildhibaan Dhakool oo ka mid ah Xildhibaannada Wakiillada ee laga soo doorto Gobolka Sool.

Mudane Dhakool oo u warramayey Telefiishanka Somali Cable oo HCTV.TV uu warkan ka soo xigtay ayaa sheegay “Midnimadii lala galay Soomaaliya ayaa Beesha SNM Xanuun ka qaadday, Xanuunkaasi ayaa kelifaya inay ka guuraan 1960-kii, Maalin ay Carruurta iyo Dumarka soo saaraana ay samaystaan, markaa waa Maalin reerkaasi leeyahay 18-ka May, markaa uma naqaano Maalin Qaran.”ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey inuu ka soo horjeedo Xaaladda Deg-degga ah ee dhawaan uu Madaxweynaha Somaliland ku soo rogay Degmooyin ka mid ah Gobolka Sanaag “Gobolka Sanaag oo awalba sii dhutinayey oo kala laalaaday uma baahnayn, munaasibadna kuma ahayn in la yidhaahdo Xero Milletari ayaa laga dhigayaa, marka Laascaanood la yidhaahdo waa Xero Milletari oo wixii Rasaas iyo Tuute ah la geeyo, tanna la geeyo (Sanaag), maxaa soo hadhaya.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka