Madaxii Hore Ee Sirdoonka Ethiopia Iyo 25 Sarkaal Oo Dacwad Lagu Soo Oogay

Addis Ababa, (HCTV) – Madaxii hore ee Sirdoonka u qaabilsanaa dawladda Ethiopia Getachew Asefa iyo 25 kale ayaa lagu soo oogay dacwado ka dhan ah xuquuqal Insaanka iyo gaboodfalo ay dalkaasi ka geysteen.

Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Ethiopia ayaa fayl gareeyey eedaha ka dhanka ah 26-ka sarkaal ee meelaha sare ka haystay  Sirdoonka dalka Ethiopia oo uu ka mid yahay madaxa Sirdoonka dalka Ethiopia Getachew Asefa.

Waxaana isa soo taraya dambiyada xad-gudubka ku ah xuquuqda aadamaha ee lala xidhiidhiyey Madaxihii hore ee Sirdoonka dalka Ethiopia, waxaana gabood-faladaasi uu geystay ee lagu qaadayo ka mid ah inuu galay xadgudubyo isugu jira Jidh-dil, sababay dhimasho intii lagu gudo jiray dibadbaxyadii dalkaasi ka dhacay ee lagaga soo horjeeday xukuumadihii ka horeeyey Raysal Wasaare Abiy Axmed iyo Xadhiga xubno mucaaridka ka tirsan kuwaas oo lagu ceebeeyey inay yihiin kooxo argagixiso oo ay xayiraad saareen xukuumadihii hore ee uu ka tirsanaa.

Sida ay ku waranay warbaahinta FANA, Assefa ayaa ahaa Madaxii Sirdoonka ee dalka Ethiopia ilaa April 2018-kii.

Sidoo kale Atsebha Gidey, Assefa Belay, iyo Shishay Leul – ayaa dacwadahooda lagu dhagaysan doonaa maxkamada sare ee Lideta Federal High Court, sida laga soo xigtay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Ethiopia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA