Faysal Oo Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Faro-gelinayo Shirkadaha Daabula Xujaajta

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu doonayo inuu diyaaradaha Jubba iyo Daalo ka wareejiyo Daabulidda Xujaajta Soomaalida.

Faysal oo Maanta Waraysi Siiyey Telefiishanka HCTV ayaa  Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay Qabyaalad isla-markaana sheegay inuu arrin kasta ka eego dhanka Qabyaaladda, taasina keentay buu yidhi inuu ka fikiro inuu Shirkadaha Daalo iyo Jubba yihiin Shirkado Qabiil gaar ahi leeyahay.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Muraayadda uu Sito Farmaajo waa Muraayad Qabyaaladeed, wax kasta qabyaalad ayuu ku eegayaa.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay “Shirkadaha diyaaradaha ee Dadka Xujayda ah qaadi jiray waxay ahaayeen Daalo iyo Jubba, waa shirkado Soomaaliyeed, laakiin isagu (Farmaajo) wuxuu u arkaa Shirkado Qabiil, markaa wuxuu damacsan yahay inuu wixii Qabiil u beddelo oo Shirkado yaryar oo uu doonayo inuu Reer ahaan Lacag ugu sameeyo oo aan jirin inuu abuuro (Si ay u daabulaan Xujaajta)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Sanadihii hore waxa la inna siin jiray 9300 Xaaji oo Kooto ah Somaliland iyo Soomaaliya, illaa 3500 waxay ka tagi jireen Hargeysa, illaa 5000 waxay ka tagi jireen Muqdisho, inta kalena waxay ka tagi jireen Gobollada dhexe, sida Gal-mudug iyo Gal-guduud ama Puntland iyo Gal-mudug. Markaa imika wuxuu wadaa inuu wixii Qabaa’il ka dhigo oo uu yidhaahdo Magaalooyinka ayaan u qayb-qaybinayaan, shirkado yaryar oo Qabaa’ilna sameeyo..”

Horn Cable 

Waaxda ONLINE-ka