Boqor Harry Iyo Meghan Oo Aduunka Baraya Wiilkooda Cusub, Magacna U La’

London, (HCTV) – Boqor Harry iyo Meghan ayaa si farxad leh wiilkooda cusub u baray Aduunka iyo sawiro loogu yeedhay Windsor Castle, waxaana hooyadan cusubi ay ku dhawaaqday “inay aad u faraxsan tahay.”

Lamaanahan ka tirsan qoyska reer Boqor ee boqortooyada dalka Ingiriiska ayaa si wadajir ah u eegaya wiilkooda, waxaana la soo bandhigay sawirada qoyskan noqday saddexda.

Boqorka (The Duke) iyo Boqorada (Duchess) ayaan ilaa iyo hada ku dhawaaqin waxa ay ugu yeedhayaan wiilkooda cusub oo dhashay Isniintii.

Meghan waxa ay ku dhawaaqday “inay cajiib tahay, oo ay aad u quruxbadan tahay, waxaanan haystaa ayay tidhi labada wiil ee ugu wanaagsan aduunka, aadbaan ugu faraxsanahay.” Ayay tidhi Meghan.

Sidoo kale Boqor Harry ayaa isaguna dhinciisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu waalid noqday.

 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA