Haweenay Nebiga Aflagaadaysey Oo Kanada U Qaxday

Pakistan (HCTV)  – Asia Bibi oo ah Haweenay Kiristaan ah oo u dhalatay Dalka Pakistan, ayaa gaadhay dalka Kanada oo ay ka heshay Magangalyo.

Haweenaydan ayaa sanadihii u dambeeyay oo dhan deris la ahayd Cabsi ay ka qabtay in la dilo, ka dib markii Dadka Muslimiinta ah ee Dalkaa ku nooli ku eedeeyeen inay Cayday Nebiyullaahi Muxamed (CSW).

Asia Noreen oo loo yaqanay – Asia Bibi ayaa meel qarsoodi ah lagu hayey intii loo diyaarinayey Safarka ay Dalka Pakistan kaga qaxaysay, si ay ugu dhoofto Kanada oo ay Gaadhay, sida Warbaahinta Caalamku baahisay Arbacada Maanta.

Bibi ayaa Maxkamadda sare ee Pakistan ku xukuntay Xabsi, laakiin Looyarkeedii lawyer Saif ul Malook ayaa sheegay in gaadhay Dalka Kanada, halkaasi oo Qoyskeeda, gaar ahaan Labadeeda hablood garteen inay si nabadgalyo ah ugu noolaan karto.

Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa bishii October ee sannadkii 2018 laashay Xukunkii Bibi ee ahaa xadhigga, waxayna arrintaasi Dalka Pakistan ka abuurtay Mudaharaaddo Rabshado watay.

Wakhtigaa waxa Dawladda Pakistan Xidhay Khadim Hussain Rizvi oo ka mid ah Culimada Mayalka adage e Dalkaasi, kana mid ah Xisbiga Tehreek-e-Labbaik (TLP), ka dib markii lagu eedeeyay inuu abaabulay Dibad-baxyo lagaga soo horjeeday xukunka Bibi ee Maxkamaddu laashay, wixii intaa ka dambeeyayna waxa Dawladda xidh-xidhay Tobannaan Taageerayaasha Wadaadkaasi ah oo iyaguna Rabshado sameeyay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka