Mandheera-Keyna Oo Daacuun Ka Dilaacay Iyo 188 Qof Oo Uu Asiibay

Mandera – Kenya, (HCTV) – Hal qof ayaa dhintay ugu yaraan 188 qof oo kale oo uu soo ritayna waxa lagu daweynayaa xarun caafimaad oo ku taala Kotulo, Mandheera South, kadib markii uu cudurka cholera-ha ama daacuunku uu ka dilaay.

Sida ay sheegtay sarkaalka dhinaca caafimaadka ugu sareeya oo la yidhaa Rahama Abdullahi, taas oo xaqiijisay in hal qof uu geeriyooday markii daweyntu ka soo dib dhacday.

“Tan iyo 6-dii bishii April hal qof ayaa dhintay kadib markii xili dambe la keenay xarun xaafimaad. Waxaana hada jira sagaal qof oo bukaan ah kuwaas oo xaaladoodu ay degan taha.” Ayay tidhi Ms Rahama Abdullahi, waxaanay intaasi ku dartay in xaaladu ay hada tahay mid gacanta lagu hayo isla markaana ay qaadayaan talaabooyin dhawr ah.

“Waxa aanu samaynay xarun lagu dabiibo dadka uu asiibay Daacuunku oo ka kooban 50 sariirood. Xaaladuna waa ay soo hagaagaysaa,” waxaanay sidoo kale tilmaantay in meelaha biyaha laga helo ay daawo ku shubayaan toban deegaan oo ka tirsan Kotulo.

“Waxaanu qaadnay talaabooyin dheeraad oo aanu dhibaatada kaga hortayno sida ugu suuro galsan gaar ahaana Dugsiyo ku yaala dhulkaasi,” ayay tidhi.

Dedaalada lagaga hortagyo inuu cudurkaasi uu meelaha kale ku fido ayaa waxa ka socda deegaamo kale oo ay ka mid yihiin Kotulo ilaa Elwak iyo Wajir.

Sida ay sheegtay sarkaalada ka tirsan caafimaadku, xogta kiisasku waxa ay tilmaamaysaa in haweenay in haweenay ka timid Nairobi laga helay cudurka, isla markaana lagu dhawaaqay in xanuunkaasi jiro.

Magaalada Mandera ayaa iyadu khibrad u leh in xanuun cholera uu ka dilaaco, waxaana sanadkii 2016-kii xanuun ka dilaacay la helay kiisaska 1,629 qof, waxaana ku dhintay xiligaasi 18 qof sida la diiwaangaliyey sanadkii 2016-kii.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA