Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Awdheegle, (HCTV) – Kooxda mayalka adag ee Al-shabaab ayaa xalay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen deegaanka Bariire oo ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidamada dawladda Somalia.

Weerarkan ay kooxda Al-shabaab qaaday ayaa ahaa isku day Al-shabaab ay ku doonayeen in ay dib ula wareegaan deegaankaasi, hase yeeshee iska caabin weyn ay kala kulmeen ciidamada DANAD ee gacanta ku haya halka lagu dagaalamay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay xalay saqdii dhexe isu adeegsadeen madaafiic culus.

Deegaanka Bariire ayaa dhowr jeer oo hore waxaa gacan ku heyntiisa isku badbadalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, waana halka ugu badan oo ay ku dagaalamaan labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Bariire ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee xalay weerarka ku soo qaaday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA